Verification Made Simple

"Way adag tahay in la helo, way fududahay in la lumiyo oo macquul ahayn in la iloobo." Waagii hore, kaliya dadka iyo shikadaha  caanka ah ayaa la siin jiray calaamadda buluuga ah. Habka xulashada ayaa ahaa mid aad u adag.

Xaqiijinta waxay u sahlaysaa dadka inay ogaadaan qofka saxda ee layaqaano akoonkiisa saxda ah inuu yahay. iyadoo la iska ilaalilayo been abuurka kuwa kuwa aanan saxda eheen . Waxaan isticmaalnaa  calaamadda buluuga ah  si aan u xaqiijinno boggaga jilayaasha caanka ah, fannaaniinta, siyaasiyiinta, iyo dadka kale ee caanka ah. Calaamaddu waa hab lagu xaqiijiyo qofka saxda ee leh akoonka, ee maaha wax lakasbado.

 

 

Waxaan aragnaa in dad badan oo karti leh iyo shirkado yaryar ay rabaan inay muujiyaan in boggoodu yahay mid rasmi ah. Si loo siiyo xuquuqda sameenta, ganacsiyada iyo dadka kale ee jecel inay helaan calamadani, waxaan ka dhignay habka ugu fudud ay u heli lahaayeen.

Hadda labada kafateeriyada yaryar ee magaalada ku yaala  iyo rapperska caanka ah  iyo ciyaartowyda magalada waxay heli doonaan fursad isku mid ah si ay u helaan calaamadda hubinta sida shirkadaha waaweyn ee soo saara cabitaannada waddan dhan.

 

Maxaa loogu baahan yahay calaamadan?

Qof kastaa wuxuu leeyahay dano kala duwan, wuxuu aadaa meelo kala duwan wuxuuna ku nool yahay magaalooyin kala duwan.

Laakiin dhammaanteen waxaan rabnaa inaan awoodno inaan si fudud u helno waxa muhiimka inoo ah, hadday tahay wararka gudaha, cinwaannada dukaanka ama sheekooyinka bloggers-ka aan jecelnahay.Waxaan rabnaa in aan wax walba ka ogaanno gacanta hore website yada rasmiga ah iyo profileska.

Haddii aad aragto calaamadda buluuga ah, waxay la macno tahay in bogga ay maamulaan wakiilladii dhabta ahaa.kuwani maaha bogag taageerayaal ama been abuur ah. Waxaan hubineynaa in bulshooyinka iyo profile-yada la xaqiijiyay ay mudnaanta siiyaan natiijooyinka raadintooda.

 

Sideen ku heli karaa calaamadda?

Waxaad ku soo gudbin kartaa codsiga xaqiijinta boggaaga ama goobaha ganacsi qaab form ah  adigoo isticmaalaya haatf web

waxaad awood u yeelan doontaa inaad si fudud uga soo rogto faylasha aad rabto inaad ka soo dejiso kumbuyuutarkaaga. Codsigaaga, nooga sheeg naftaada, waxaad samayso iyo sababta aad ugu baahan tahay calaamadda.

Ku lifaaq sawiro iyo dukumeenti si ay nooga caawiyaan in aan ku qancino in aad tahay milkiilaha dhabta ah ee profile ama wakiilka shirkadda.


Si aad u xaqiijiso magacaaga, ku dar xidhidhiyaha muuqaalada bandhigyadaada ama dhacdooyinka lagugu sheegay warbaahinta. Waxa kale oo aad ku dari kartaa xisaabaadka kale ee la xaqiijiyay ee aad ku leedahay goobaha kale.

 

Haddii codsigaaga la diido, sii wad horumarinta shaqadaada oo isku day inaad mar kale codsato hadhow.

Xaqiijinta inta badan waa mid aan loo baahnayn. Calaamadaha  maaha abaal-marinno, laakiin waa hab lagu caawiyo profile-yada iyo shirkadaha in si sahlan loo helo.Waxaad ku tusi kartaa in boggaagu yahay mid dhab ah iyadoo loo marayo siyaabo kale sidoo kale: Bixi faahfaahin badan oo sharraxaad ah, si joogto ah ugu dar sheekooyin iyo qoraallo cusub, isticmaal farriimaha bulshada si aad ula sheekaysato dhagaystayaashaada.oo daabac koodka QR oo leh isku xirka boggaaga haatif. Waydiisp asxaabtaada ama macaamiishaada inay ku xusaan boggaaga meelahada kale.


Yaska Haaji

2 Blog posts

Comments